Taariikhdiisa oo kooban Sayid Maxamed Cabdille Xasan.
Sayid Maxamed wuxuu dhashay markay taariikhdu ahayd
1856 guga la baxay ama la odhan jiray " Gobaysane"
Wuxuu ahaa gu' barwaaqo ah oo dad iyo duunyo wixii
dhashay hanaqaad noqdeen. Wuxuu ku dhashay baliga la
yiraahdo "Sacmadeeqo" oo 7 mayl u jira Buuhoodle kana
xiga dhanka waqooyi guud ahaanna dalka waxaa loo
yaqaan "Nugaal". Hooyadii waxaa la odhan jirey Carra
Seed Magan, Qu'aankana wuxuu ka raacday xer fadhiyi
jirtey Nugaal; xarunyeeduna ahayd dooxada la yiraahdo
Casuura iyo Yaaheel.
Abbaaraha 1892kii wuxuu u kacay Makka iyo Madiina;
waxay israaceen 13 wadaad oo ay isku rer ahaayeen,
laba gu' iyo dheeraad bay Makka iyo Madiina ku
maqnaayeen; 1895kii ayaa Sayid Maxaded ku so noqday
dhulka Soomaaliya wuxuuna ka so dagay xeebta magaalada
"Berbara" oo markaa muslin iyo galaba aad loo deggenaa.
Waxaa la yiri markuu Sayid Maxamed doonniduu la socday
ka soo degey ayaa Ingiriisku ku warsaday dekedda
cashuur inuu bixiyo. "Wuxuu ugu afceliyay "Adiga yaa
canshuurtii kaa qaaday markaad halkan ka soo degtay?"
dabadeedna afceliyihii baa ku yiri Ingiriiskii " waa
wadaad waalane inaga daa". Sidaa daraaddeed waxaa
Ingiriisku ku magacaabay wadaadkii waallaa.
Dagaalkii u horreeyey
1900kii ayaa Ingiriisku col lixaadleh soo qalqaaliyey
si loo damiyo dabkaas ka baxaya intuuna dhulka ku
fidin, haddaba xabbadii maalintaa la riday waxay
dhaceysey 20 gu' iyo intii u dhaxaysay.
Inta la hubo ama taariikhahooda la hayo 41 goobood bay
Ingiriiska ku kulmeen; kuwii ugu waaweynaa ama
dagaalka xumi ka dhacay waxaa ka mid ahaa kuwan;
Afbakayle waxay dhacday 3/5/1901
Fardhidin >> >>
16/7/1901
Beerdhiga >> >>
10/8/1902
Cagaarweyne >> >>
17/4/1902
Daratoole >> >>
18/4/1903
Jidbaale >> >>
10/1/1904
Ruuga >> >>
9/10/19013
Dayuuraddii >> >>
1/1919
Ingiriisku dagaaladdaa wuxuu u qaybiyay saxddex
duullaan oo mid waliba socdey dhowr gu' mid walibana
lahaa tabo iyo xirribo gaar ah iyo xoolo loogu tala
galay, in kastoo aan guul laga gaarin.
Dadka Soomaalida markay rumi run geyday wuxuu u kala
jabay labo meelood ; dad Ingiriiska raacay oo garab
iyo gaashaan u noqday iyo dad daraawiish oo dagaalkii
la galay.
18 gu' markii dagaalkii socday, habeen iyo dharaarna
laysku aloolna, labada geesoodna lugu hoobtay, dad iyo
duunyana lugu caydhoobay, daraawiishina ku
lugabaxsatay buuraha Ceerigaabo iyo arladaas badyarada
Cadmeel ujeedadda ayaa Ingiriisku arini ku caddaatay,
dabadeedna talo wuxuu ku goostay in daraawiish
dayuurado lugula dagaallamo mooyaane aan si kale waxba
lagaga qaban Karin.
1919 bishii Janaayo ayaa Ingiriisku Daraawiish kaga so
duulay cir iyo dhul, bad iyo bari intaba. Siddeed (8)
dayuuradood oo ugu horreeyey waxay duqeeyeen Mirashi,
Jiidali iyo Baran, meelahaasoo Daraawiishtu qalcado ku
lahayd. Ceeldheer meesha la yiraahdo ayaa lugu so
riday dayuurad sideeddii dayuuradood oo ugu horreyey
ka mid ahayd, maalintii dambena Taleex bay ku duuleen
inkastoo bamkii waxba ka tari waayey.
Daabaco Boggan
|
Print