Taariikh Kooban oo ku saabsan Sayid Maxamed Cabdille Xasan,
Allaha u naxariistee, iyo halgankii hubaysnaa ee uu kaga soo
horjeeday gumaystayaasha Ingiriiska, Xabashida, iyo Talyaaniga.
Waxaa laga yaabaa dad badani markii ay maqlaan magaca iyo
martabada uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan ku lee yahay
taariikhda Soomaaliyeed, baalka dahabka ah ee lagu qoray
taariikhdii Daraawiishta ee uu hogaanku u hayey Sayidku, iyo
xushmada ay Sayidka u hayaan dhamaan Soomaalidu Bari iyo Galbeed,
Koonfur iyo Waqooyi inay isweydiiyaan: "muxuu Sayid Maxamed ku
mutaystay xusuuustaa karaamaysan ee aan cid kale la wadaagin?"
Haddaba suuragal ma aha in qormo qudh ah lagu soo koobo dagaal
21 sanno soconayey, haseyeeshee waxaan isku dayeynaa in aan
guudmaro dhiiranaantii, geesinimadii iyo mintidkii
gobonimodoonka Daraawiishta uu hogaaminayey Sayid Maxamed
Cabdille Xasan kuwaa oo hadh iyo hoyba u diiday gumaysiga dhinac
walbana ka wareemay.
Markii Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu kusoo noqday Berbera
isagoo xajkii ka yimid sanadku markuu ahaa 1895kii wuxuu tagay
miyiga Berbera wuxuuna faafin jiray diinta Islaamka isagoo
umadda uga digi jiray inay is dhacaan iskuna duulaan. Wuxuuna
heshiis ka dhex beeri jiray beelaha wada degan haddii ay
isqoonsadaan. Sidaa awgeed, Ingiriisku wuxuu Sayidka u arkayey
ugu horraynba inuu ahaa nin laga dambeeyo oo awood u leh inuu
xasiloonaan ka dhex dhaliyo qabaa'ilka Soomaaliyeed.
Kuxigeenkii qunsulkii Ingiriiska Berbera u fadhiyey waxa uu
xidhiidh joogta ah la lahaa Sayid Maxamed, haddii qas dhaco oo
miyiga ka dhacana waa lala socodsiin jiray waxaana laga codsan
jiray inuu wax ka qabto.
Ingiriisku waa ogaa in Sayid Maxamed lee yahay xer badan hase
yeeshee marnaba kama cabsanaynin odoroskana kumana jirin halgan
gobonimodoon ah oo ka bilowdo gayiga Soomaaliyeed. 1899kii
waxaa laysa dhex mushaaxay magaalada Berbera Ingiriiskiina soo
gaadhay in Sayid Maxamed uu uruursanayo rag iyo saanad si uu ugu
duulo una qabsado degmooyinka Koonfur Bari. Dawlada Ingiriisku
waxay ku dhaqaaqday inay arintaa isku taxalujiso si ay u ogaato
runtu waxay tahay, hase ahaatee Ingiriiska uma suuragalin inuu
si sahal ah ku ogaado Sayidka iyo akhbaartiisa waayo dadkii
Soomaliyeed ee reerguuraga ahaa baa diiday inay Ingiriiska u
xogwaramaan markii la waraystay.
April 12, 1899kii qunsulkii sarre ee Ingiriiska Gaashaanle
Sare J. Hayes Dawson* waxaa soo gaadhay warar sheegaya in Sayid
Maxamed madax ka yahay ciidamo hubaysan oo tiradoodu gaadhayso
3000 uuna tabaabusho ugu jiro duulimaad ba'an oo uu Ingiriiska
kusoo qaado. Bishii August 1899kii waxay ilaaladii Ingiriisku
soo sheegtay in Sayid Maxamed yimid Burco isaga oo wata ciidamo
5000 ah oo 1500 oo kamid ahi ay fardooleey yihiin, 300 oo ka mid
ahina ay banaadiikh haystaan. Burco waxay ahayd meel xagga
tabcooyinka dagaalka aad ugu haboon waayo biyo joogta ah bay
lahayd xilliyada abaaraha ah. Sayid Maxamed Cabdille Xasan
waqtigaa wuxuu si badheedh ah ugu dhawaaqay inuu dagaal muqadas
ah oo gobonimo doon ah Ingiriiska kula jirro asgartiisiina wuxuu
u baxshay Daraawiish, wuxuu u faray qabaa'ilka Soomaliyeed oo
dhan inay la dagaalamaan, jihaadka liddiga gaaladana ay la
galaan.
Sidaa daraadeed, magaalada Berbera waxaa soo xaluushay
akhbaar cabsi leh oo sheegaysa in ciidamada Daraawiishtu ay
kusoo dhow yihiin Berbera markii ay soo galaana ay baabi'in
doonaan ayna dhici doonaan maalka iyo moodka shisheeyaha
magaaladana gubi doonaan. Arintaasi argagax iyo cabsi ayey ku
riday Ingiriiskii iyo gadisleydii Hindida ahayd kuwaas oo
xoolihoodii oo dhan, badeecad iyo qalab waxay lahaayeen ku
daldashay markab magaciisa la odhan jidhay FALCON waxayna u
qaxeen magaalada Cadan ee dalka Yemen. Nimankii shisheeyaha
ahaa ee Soomaliya ka tagay waxay usii qadimeen saraakiishii iyo
ciidamadii Cadan laga soo qaadayey khatarta sugaysa marka ay
Soomaaliya cagta dhigaan. Shisheeyihii ku hadhay Berberana
habayn qudha ma ladin ilaa xeebta Berbera ay soo gaadheen laba
markab oo kuwa dagaalka ah oo la kala odhan jidhay Medos iyo
Bahome.
Waxaan idiin sheegayaa in aad samayseen wixii aad
doonayseen, waxaa kale oo aan idiin sheegayaa in dadka idin
rumaysan ay yihiin kuwa khaa'imiin ah oo diintoodii iyo
dalkoodiiba caasiyey. Waa Maxamedkii aad taqaaneen oo idin
warsanaya in aad hubka iska dhigtaan ood isdhiibtaan sidaa
darteed baan warqadaan idiinku soo diray. Eega laba kala
doorta: haddii aad dagaal doonaysaan gudooma baanu lee nahay,
haddii aad nabad rabtaana baxsha qiimaheeda oo ah in aad dalka
isaga tagtaan.
Qunsulkii sarre ee Ingiriisku markii uu akhristay warqadii
Sayidka aad buu uga cadhooday waxaana Ingiriisku u aqoonsaday
Sayidka inuu yahay nin ku shuftoobay taliskiisa, wuxuuna
digniin ku bixiyey Soomaalidii taliskiisa ku hoos jirtay in
ciqaab ay la kulmi doonaan haddii habayaraatee wax xidhiidh ah
ay la yeeshaan ama kaalmo u fidiyaan Sayidka. Ingiriisku
waxay Sayidka u baxsheen 'Mad Mullah' oo macnaheedu yahay
wadaadkii walaa, waayo xilligaa gumaysigu wax aan miyir qabin
oo biimo ah ayuu u haystay ciddii xooga Ingiriisku lee yahay
isku dayda in ay is hortaagto. Taaktikada iyo tabcooyinka
dagaalka ciidamadii Daraawiishta oo xambaarsan waanadii
xusuusanna gabayadii guubaabada lahaa ee Sayidka naftooda bay
u hureen dalkooda iyo diintooda siddii ay u daafici lahaayeen.
- Ninkii bala'da lagu yeedhiyee bayraq lagu duubay
- Kol hadduusan bara aamin baahi geys noqonin
- Inaan boqorka loo deynahayn ba'aha yow sheega
- ...
- Runba nimaan u baydhayn ibleys barale weeyaane
- Buunshuhu bilaash iyo hadduu been ka tagi waayo
- Inaan dhegaha loo balalinayn ba'aha yow sheega
- ..
- Baalxaafka waxaa loo sitaa beer wax how dile e
- Ninkii loo burhaan qabay hadduu beyda kari waayo
- Birtiisu ha jabtee inaan la rabin ba'aha yow sheega
- ...
- Bogga laga mudyoow fulaygu wuu baydadahayaaye
- Goortuu bidhaan cadow arkuu balow yidhaahdaaye
- Inaan mowdka laga baajinayn ba'aha yow sheega
-
- Geesiga halkii lagu baxay baa bili ka
raacdaaye
- Bilaawaha kolkii uu la baxo looga kala baydhye
- Isaguna buruu leeyahaye ba'aha yow sheega
Bilowgii sanadkii 1900 Ingiriisku wuxuu heshiish la galay
boqorkii dalka Itoobiya Mililikh waxayna isku waafaqeen in ay
wadajir Sayidka ula dagaalamaan. Waxaana bishii March 1900,
kasoo ambabaxay magaalada Herar ciidamo Xabashi ah oo uu
hogaaminayey sargaal Ingiriis ahi, waxayna 24 Maarso
Daraawiishta iyo ciidamadii Xabashidu isku haleeleen Jigjiga
halkaa oo wax la dilay iyo wax la dhaawacay laga dhigay.
Hayes Sadler oo ahaa qunsulkii sarre ee Ingiriiska waxa uu u
diray H. G. C. Swayne dhanbaalkan:
Ujeedada duulimaadkiinu waa inaad dishaan Sayidka
ciidamadiisana jabisaan, haddii uu Sayidku isdhiibo waad
aqbali kartaan, haddii uusan arintaa wax shuruud ah ku
xidhin. Markaa ka dibna waa inaad baabi'isaan dhamaanba
qabaa'iladii Sayidka taageerada u fidiyey.
Isagoo fulinaya amarkaasi kasoo baxay dawladda Ingiriiska,
Swayne oo ciidamo xoog badan oo Afrikan, Hunuud iyo Asian
isugu jira wata baa si rasmi ah Sayidka ugu soo qaaday
duulimaadkii ugu hareeyay.
Bishii November 1900, waxaa dalka Soomaaliya yimid
Gaashaanle Sare Swayne si uu u hogaamiyo duulimaadkii u
horeeyay ee Sayidka lagu qaadayey. Swayne kuma uu cusbayn
dalka Soomaaliya ee hadda ka hor buu soo raacay walaalkii S.
S. Swayne oo ahaa ninkii dalmareenka ahaa ee sahanka ku maray
degmooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ninkaa oo ahaa
kii qoray buugga la magacbaxay Seventeen Trips Through
Somaliland oo macnaheedu yahay Todoba iyo Toban Socdaal ee
Soomaliya Lagu Maray.
Gaashaanle Sarre Swayne waxaa loo xilsaaray inuu dhiso
ciidamadii Sayidka laga horgayn lahaa wuxuuna adkeeyay
heshiiskii uu Ingiriisku la lahaa Xabashida, waxayna go'aan ku
gaadheen in ciidamo huwan ah ay Daraawiish ku kacaan sidaa
daraadeed wuxuu Ingiriisku dalka Itoobiya u diray Gaashaanle
(..........................) oo ka tirsanaa ciidamadii la
odhan jidhay Royal Guards, ninkaasi oo soo gaadhay Herer April
1901 si uu u soo qabanqaabiyo una tababaro ciidamo dhinaca
galbeed ka weerara Sayidka.
Ingriisku wuxuu dagaalkaa ku waayey kumanyaal askar ah iyo
saraakiil fara badan oo ay ku dhaaran jireen, waxaana ka mid
ahaa Gaashaanle Phillips, Dhame J. N. Arms, Dhame C. N. S.
Cord iyo kuwa fara badan oo kale. Markii uu Berbera yimid
Swayne wuxuu bixiyey xogwarankan:
Waxaan aad ula amakaagay sidda ay naftooda u biimaynayaan
Daraawiishtu. Marnaba u malayn maynin ilaa aan dagaal kula
kulmay in khatarta Daraawiishtu heerkaa gaadhsiisan tahay.
Daraawiishtu waxay u badan yihiin niman xaasaskoodii,
ciddoodii, iyo maalkoodii kasoo tagay si ay u noqdaan naftood
hurayaal. Waxay sitaan cimaamado iyo go'yaal bayl ah, waxayna
qabaan amar ah inay dilaan Ingiriiska iyo askartiisa qiima
kasta ha ugu kacdee, iyagoo rumaysan haddii la dilo iyo haddii
ay wax dilaanba inay janada galayaan. Sidaa darteed, goobtii
dagaalkii raggii Daraawiishta uga dhintay waxay u badnaayeen
xaajiyaal iyo shuyuukh noogu soo galay dhufayskii aanu ku
jirnay iyagoo leh, Allahu Akbar ama Ilaah baa weyn.
Hadalkaasi waa xog warankii Swayne. Duulimaadkii koobaad
iyo kii labaad oo bilowday 1899 waxa ay dhamaadeen October 6,
1902 dii. Goobihii Ingiriiska iyo Sayidku ku kulmeena waxaa
ugu weynaa Af-Bakayle iyo Fardhidin.
- Ninka gaala aynabay intuu gamasyada u qaatay
- Gubniyaalka fooskaa ninkii gowrac ugu jiiday
- Sidii boodhle geesala' ninkii gaaddaduu mariyey
- Igiriiiska goolka ah ninkii gudurida u loogay
- Guutooyinkuu wacay ninkaan gaban kasoo deynin
- Girligaammaduu siday ninkii goobta kaga qaatay
- ...
- Geesaaska Cadmeed ninkii kaga gallaydhsiiyey
- Gidigeed Nasaarada ninkii goomanka u qooyey
- Siddii caydh gorfaalaa ninkii gobolba meel aadshey
- Geyigaba ninkii galangashee guuya kaga dhaartay
- Gabagaba intuu dhigay ninkii libin ku geeraaray
- Gadoodkii dagaalkii ninkii guusha kala laabtay
- Gaafaha ninkii laga maree haatan laga gaaray
- Garbiduu ku tiirsaday ninkaan laga gurguureynin
- Ninka yidhi gol madhan waa miduu galay wadkiisiiye
Ingiriiska intii ay socdeen labadii duulimaad ee horre
waxaa u korodhay waayo-aragnimo dheeraad ah waxayna ogaadeen
xoogga Daraawiishta oo ah mid aan dhayal loo loodin karin.
Ciidamadii Ingiriiska ooy kamid ahaayeen kuwii la odhan jidhay
King's African Rifles waxaa kusoo kordhay kalsooni darro iyo
baqdin ay ka qaadeen Daraawiishta oo aan cadowga u turin. Si
haddaba loo qabanqaabiyo loona kiciyo duulimaadkii saddexaad
waxaa Soomaaliya yimid Oktober 23, 1903 dii General W. H.
Manning, dawlada Ingiriiskuna waxay heshiis la yeelatay
Talyaaniga oo ay isku waafaqeen in Talyaanigu geesta Bari
kasoo weeraro Sayidka. Sidaa darteed laba markab oo ah kuwa
dagaalka ooy Ingiriiska iyo Talyaanigu kala leeyihiin ayaa
xeebaha dalka ku wareegaalaysanyey si ay u sahmiyaan meel ay
asgartooda kasoo dajiyaan Sayidkana ka gaadaan.
September 16, 1903 dii waxa uu golaha wasiirada ee dowlada
Talyaanigu u ogaaladay in Ingiriisku kasoo rogo ciidamo uu lee
yahay magaalada Hobyo, sidaa daraadeed Ingiriisku wuxuu go'aan
ku gaadhay inuu wado duulimaadkii saddexaad isagoo ciidamo
xoogleh kasoo rogay Hobyo iyo Berbera si uu dhinac walba uga
hareereeyo Sayidka. 1903 dagaalkii ka dhacay Gunburo
Ingiriisku wuxuu u bixiyey Raqdii Gunburo sababtoo ah goobtaa
waxaa ka raacday guuldaro culus.
April 1903 dii Sayidku wuxuu
Ingiriiska usoo diray warqadan markii Nugaal uu u hayaamayey:
Ka: Sayid Maxamed Cabdille Xasan
Ku: Ingiriiska
Waxaan idin leeyahay maqla hadalkayga oo tixgaliya. Waxaan
doonayaa in aan dalkayga u tasho diinataydana daafaco.
Hadalkayga maqla oo tixgaliya. Ma aad maqashaane dhibbaa
dacalka idiin soo gaadhay. Waxay idiinku sheekeeyeen
Daraawiishi waa carartay, ma ay cararinse ee waa dagaalamayaan.
Waxaan u guuraynaa meeshii aan doono anagoon baqayn. Waxaan
doonaynaa in aan idinla dirirno dagaalkana aad ayaan uga helaa,
hase yeeshee idinku maya. Haddii Ilaahay yidhaahdo waxaan
idinka furandoonaa hub fara badan. Anigu ma lihi hodannimo,
ma lihi guryo, ma lihi beero, ma haysto dahab iyo dheeman
midna aad iga dhacdaan. Dadkaygu wax wanaag ah idiin mahayo
idinkuna uma haysaan. Aniga waxaad iigu timaadaani waa xabad
iyo dagaal wax kalana iga heli maysaan. Waxaan kula kulmay
raggiinii dagaal waana aan wada gowracay. Dadkii naga dhintay
waxay shaqaysteen janno, Ilaah baa nala jirra haddii aad
dagaal wadaan raali baanu ka nahay haddii aad nabad rabtaana
ka baxa dalkanaga oo aada dalkiinii, haddii aad dagaal
rabtaana sii jooga.
July 3, 1903 dii waxaa dhamaaday duulimaadkii saddexaad oo
intuu socday Sayidka iyo Ingiriisku Bari iyo Waqooyiba ku
dagaalameen. Waxaa Ingiriiska gaadhay jug weyn waxaana
saraakiishii uga dhintay dagaalka ka mid ahaa Gashaanle Sare
A. M. Ruthford, Gaashaanle Dhexe A. W. D. Francis oo
hogaaminayey ciidamadii la magac baxay Regiment Manchester,
Dhame S. T. Albright oo taliye ka ahaa ciidamdii loo yiqiin
........... Regiment, Kabtan J. John Stewart oo ka tirsanaa
ciidamadii loo yiqiin Argyll and Sutherland Highlanders, Dhame
H. H. de B. Morris oo madax ka ahaa Est Kent Regiment, Dhame
J.A. Gayonr, Dhame S. L. McKinnon oo madax ka ahaa North Derby
Regiment ciidamo badanna xukumay. Guud ahaan, sida uu qoray
Douglas Jaridine, waxay dagaalkan Daraawiishtu dhagta dhiiga
u dartay sagaal (9) sargaal oo sarsare oo ciidamadii
Ingiriiska hogaanka u hayey, in ka badan 187 askari, iyo in ka
badan 29 askari oo dhaawac xuni soo gaadhay.
Magacyadaa aan soo xusnay waxay ka mid ahaayeen boqolaalkii
saraakiil ee Daraawiishtu laysay dagaalku intuu socday.
Duulimaadkii afraad wuxuu ahaa mid ay xoog uga qeyb galeen
maraakiibta dagaalku, waxaana Ingiriisku go'aan ku gaadhay in
Sayidka siddii dowlad xoog badan oo kale loola isticmaalo.
General LAYNE ayaa loo xilsaaray fulinta duulimaadka afraad,
waxaa kale oo la shaqaynayey Sareeye Guuto Egerton iyo Sareeye
Guuto Fasken. Intii uu socday dagaalkaasi waxaa Ingiriiska
Sayidku gaadhsiiyey khasaarooyin xoog badan waxaana cadowga ka
dhintay saraakiil badan oo ay kamid ahaa Dhame J. R. Williams,
Dhame G. Ester, iyo Laba Xidigle T. H. Aurder iyo kuwa kale oo
badan. Goobihii laysaga horyimid intii duulimaadyadaasi
socdeen oo Daraawiishta iyo Ingiriisku isku haleeleena waxaa
ka mid ahaa Beerdiga, Cagaarweyne, Daratoole, Taargooye, iyo
Jidbaale.
Haddii aynu tusaale ahaan usoo qaadano heshiishkii
Pestalozze 1904tii, wakiilkii dowlada Talyaaniga u fadhiyey
Soomaaliya Pestalozze wuxuu aaday Illig oo uu rabay inuu
Ingiriiska iyo Sayidka ku dhexdhexaadiyo wuxuuna ugu horrayn
hindise kusoo jeediyey in Sayidka:
- Degaan rasmi ah la siiyo
- Dawladnimo gudaha ah loo ogolaado
- Xornimo iyo madax banaani ganacsi la siiyo oo uu helo
- Nugaal iyo Howd ay noqdaan dhul aan Sayidka lagu
faragalinin
Maarso 5, 1905tii baa Sayidku heshiiskaa dhab ahaan u
ogolaaday isaga oo doonayey inuu helo muddo uu isku dubarito
ciidamadiisa, hubna baadigoobto, iyo in uu kasoo kabto
khasaaradii ka gaadhay dagaalkii Jidbaale. Heshiiskaasi
markii in yar dhaxal gal noqday, ayaa Ingiriisku wuxuu
bilaabay inuu hub ka baadho doonyihii Sayidka badeecada u
siday. Sayidku wuxuu Ingiriiska u soo diray warqad uu ugu
sheegayo inay khilaafeen heshiiskii, markii ay baadheen
doonyihiisii iyagoo ka gaashaamanayey in Sayidku hub culus
lasoo dego, arintaa oo Sayid Maxamed aad iyo aad uga cadhooday,
waxyeelada ka imaandoonta uu Ingiriiska yidhi idinka ayaa
qaadaya. Wuxuu Sayidku warqadiisa kusoo hagaajiyey taliyihii
sarre ee Ingiriiska F. C. S. Gordon, wuxuuna u sheegay in
haddii la doonayo in heshiishkii Pestalozze uu hirgalo oo uu
socdo inaan lasoo faragalin Sayidka badeecadiisa loona soo
celiyo hubkii iyo saadkii laga dhacay.
Sayid Maxamed waxa uu si badheedh ah ugu sheegay Ingiriiska
mar haddii ay jabiyeen heshiiskii isaguna in uusan maanta ka
dib dhowraynin, arintaasi oo Ingiriisku u fasirtay in Sayidku
soo kicin doono dagaal hor leh. Sidaa daraadeed waxaa laysku
soo qaaday in la dumo duulimaad iyo col fara badan oo Sayidka
laga horgeeyo. Dalka Ingiriiska 1908 baarlamaanku canaan
kulul buu usoo jeediyey dawladda isagoo ku eedeeyay lacagta
faraha badan ee dagaalka lagu hoobtay Ingiriisku uu ku
bixinayey iyo askarta faraha badan ee ku dhimanaya. Sidaa
darteed, November 30, 1908 wasiirkii isticmaarka ee Ingiriiska
wuxuu u soo diray taliyihii ciidama ee ka talinayey Soomaliya
warqad uu ugu sheegayo in aan Ingiriisku hadda ku talo jirin
dagaal Sayidka lagu qaado.
Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka kula
isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii Hindida ay kula
dhaqantay oo ah inay maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso.
John Talon, Maarso 3, 1910 wuxuu baarlamaanka Ingiriiska kasoo
jeediyey hindise laysku raacay oo ah in Sayidka sanadkiiba la
siiyo 2,000 oo Istarliin (lacagta Ingiriiska.) Hase yeeshee
Sayidku gaashaanka ayuu ku dhuftay arintaas wuxuuna u sheegay
Ingiriiska inuu doonayo gobonimo, gobonimadana aan la gorgorin
karin. Sayidku wuxuu hadalkii kusoo koobay diintayda iyo
dalkayga gadan maayo. Wuxuu yidhi:
- Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye
- Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne
- Anaa diidaday dagal inaan la galo daalin ii col ahe
- Dalka ma lihid anigaa ku idhi dooro weynaha e
- Anaa diiday nabadiisa aan daacad noqonayne
- Anaa diiday deeqdiisa ay naari dabataale
- Anaa diiday maantuu lahaa duunya iga hooye
- Markay duusho gaaladu anaan daabada u qabane
- Kolka ay dareeraan anaan duud xamaal noqone
- Dahabkii uuu waday waa anigii daadiyoo qubaye
- Dagaalkiisa anigoow xishayoo daalib ku ahaaye
- Durdurada Fardowsaad anaa doortay oo rabaye
- Diinatayda anigaan ku gadan dabaqii naareede
- Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine
- Anaan labada daarood tan horre darajo moodaynin
- Daliilkii Rasuulkii anigaa doonayoo helaye (scw)
- Doofaarka eyga ah anigaan daarihiis galine
- Anigaan dillaalkii arliga duubabka u xidhane
August 1913kii waxaa dhacay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe)
oo ahaa kii lagu dilay taliyihii ciidamada Ingiriiska Richard
Corfield, gaalkaasi oo Soomalidu u taqaanay Koofil ahaana
ninkii Sayidku ka tiriyey gabaygii caanka ahaa, ee Adaa
Koofiloow Jiitayoon. Waxaa kale oo halkaasi ku geeriyooday
saraakiil badan oo Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa Dhame J. S.
Summers.
- Adaa Koofiloow jiitayoon dunida joogayne
- Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la'aaneede
- Jahanaba la geeyoow haddaad aakhiro u jahato
- Nimankii janno u kacay war bay jirin inshaalleye
- Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto
- Kuwase naarta joogiyo markaad jananadii gaadhid
- Sida Eebbahay kuu jirabay mari jawaabteeda
- Daraawiish jikraar nagama dayn tan iyo jeerkii dheh
- Jigta weerar bay goor barqo ah nagu jifeeyeen dheh
- Ingiriis jabyoo waxaa ku dhacay jac iyo baaruud dheh
- Waligiisba waa lagu jabshaa jilib-dhig duulaan dheh
- Haddaan lays jigraarayn tolkay laga jil roonaa dheh
- Waxay noo junjuunteena waa jamasha diineed dheh
- Anigana Jigreey ila heleen shalay jihaadkii dheh
- Jeeniga hortiiseey rasaas igaga jiideen dheh
- Jiiraayadeey ila dhaceen jilic afkoodii dheh
- Jidhkaygii caddaa bay abley jagac ku siiyeen dheh
- Siday kuugu jeexeen magliga jararacdii sheego
- Bilaawuhu siduu kuu jarjaray jiilalkaa u muuji
- Jiidaha xanuunka leh markii la igu jeeraarshay
- Jibaadka iga soo baxay nafluhu jiifka qaban waa dheh
- Naf-jeclaysigii baan ku idhi jaalloow iga daa dheh
- Jimic kagama helin tuugmadaan jiriyey ruuxii dheh
- Goortaan jarreerana galoo nolol ka jaan qaaday
- Wax badan baan janaacaye dhagbaan jalaq la ii siin
dheh
- Juuqdii aan la yeedhaba afkay iga jifeeyeen dheh
- Jaljaleecadii baa wadnuhu jeex isoo ruqay dheh
- Jeedaaladii bay indhuhu kor u jilaabmeen dheh
- Markay rubbadu jaw tidhi or bay iga dul jiibsheen
dheh
- Jiidhkaygii bahal baa cunayoo jiitay hilibkii dheh
- Jurmidiyo baruurtii dhurwaa juguc ka siiyaa dheh
- Jiljilladiyo seedaha tukay iga jeedeen dheh
- Siddii jananadii horre tashigu igu jaguugnaa dheh
- Jidkii uu iblays ii horgalay jaasadii helay dheh
- Daraawiishna waa jibindhowgiyo jowga soo bixi dheh
Waxaa xusid mudan in ninkan ay Soomaalida badankeedu u
taqaano Koofil uusan kaliya ahayn nin neceb kana soo horjeeda
halganka gobonimo doonka ah ee Sayidka iyo Daraawiishtiisa ee
uu ahaa nin jinsiga Soomaaliga ah siddiisa u neceb. Wuxuu in
badan ciidamo ku bixiyey oo uu soo mooroduugay shacab
Soomaaliyeed oo wax ay u dhimeen iyo wax ay u geysteen
Ingiriiska uusan jirin. Shacabkaas oo badankiisu ahaa kii ku
hoosnoolaa ximaayada Ingiriiska. Mar uu ku duulay reer guuraa
meel deganaa kana soo dhacay waxay mood iyo nool haysteen waa
kuu Ina-Weysaxume tixda ku mariyey:
- Sayidkoo wax galay raacdadoo la isku soo gaadhay
- Adigiyo gubniga aad wadataa goobataal noqoye
- Girligaanku kaa joogsayoo guuxa kaa damiye
- Ku googooste nimankii kufriga gaajada u qabaye
- Afku gow' ku yidhi xaajadaad gees u badisaaye
- Guga ha gaadhin adigaa tolkey gaajadaa badaye**
Ingiriiska waxaa u muuqatay dagaal badheedh ah in aan waxba
Sayidka lagaga qaadaynin haddii aan la badalin tabcada lagu
socdo. November 1918kii gudi uu madax ka yahay General
Hopkins oo loo xilsaaray inay darsaan xaallada Daraawiishta
talooyin dagaaleedna ay Ingiriiska siiyaan ayaa yimid dalka
Soomaaliya. October 1919kii baarlamaanka Ingiriisku wuxuu
go'aan ku gaadhay inay Sayidka siddii dawlad xoog leh oo kale
ula dagaalamaan, ayna duulimaadka ka qeyb galaan ciidmada
dhulka, cirka iyo badduba.
Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba waa ka tari waayeen
Sayidka waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo qalcadihii
kale. Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo taaktiko dagaal.
Ugu dambayntii Janaayo 21, 1920kii, waxaa Sayidka lagu soo
kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana weeraradaa hogaaminayey
Dhame Duuliye Gordon wuxuuna cadowgu isticmaalayey diyaaradaha
noocoodu ahaa DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo
xarumihii Sayidka oo dhan. Sidaa darteed, Daraawiishtu waxay
ahaayeen urur gobonimo doon ah ee adduunyada ugu horeeyey ee
dayuuradaad lagula dagaalamo. Taasina waxay muujinaysaa
dhiiranaantii iyo halgankii Daraawiishtu gobonimada usoo
galeen.
Sayid Maxamed intaa kadib wuxuu soo aaday Koonfur.
Febraayo 17, 1920kii, taliyihii Ingiriisku wuxuu usoo diray
Sayidka warqadan.
Waxaan usoo diray waqti saddex todobaad laga joogo
Darawiishta warqad aan ugu sheegayo in la magan galin doono
haddii ay isdhiibaan. Hubkaaga iyo kaygu isma leh, adigu
waxaad tahay wadaad Soomali ah, anna waxaan wakiil ka ahay
dawladda adduunka ugu xoogga weyn oo ka adkaatay Jermalkii
iyo Turkigii. Maanta xoogaagii waa yaraaday, dayuuraadkana
uma adkaysan kartaan, dhinac aad u ciirsatana ma jirro.
Waxaa xagga Bari kaa xigga Boqor Cismaan Maxamuud iyo Cali
Keenadiid oo labaduba col kula ah adiga iyo halgankaagaba
mana aadi kartid. Dhanka Itoobiya saaxiibkaa Leit Yasuuf
waa jiitay, Ras Taferina waa saaxiibkay. Awood uma lihid
inaad nala dagaalanto. Waxaan laayey ciidamadaadii badi
ahaan, gacalkaagiina gacantayda ayey ku jiraan. Ujeedadaydu
ma aha inaan wax laayo haddii aad is dhiibto 40 casho
dhexdood. Ammaan iyo xushmo ayaad heli doontaa. Waxaanse
kaaga digaynaa in aadan warqadan caasiyin. Waxaanan ku
siinaynaa rug aad ku noolaato diintaadana ku fidisid.
Warqad ama jawaab aad iisoo dirto wax micnaha ah ama qiima
ah ooy leedahay ma jirto haddii aadan 40 casho dhexdood ku
imaanin. Waxaan warqadan kuugu soo dhiibay haweenaydaadii.
Maarso 25, waxaa Ingiriiska u yimid Sheekh Cali oo ahaan
jiray qaaligii Taleex iyo Xaaji Cismaan oo Sayidka adeerkii
ahaa oo wada jawaabtii waraaqdii Sayidka loo diray. Warqaddii
Sayidku waxay ahayd sidan:
Waan helay warqadii aad soo dirteen 22kii Jamaadul Aakhir,
jawaabteediina waatan. Warqadaadii macnaheedu wuxuu ahaa
inaad ka adkaateen Jermal iyo Turki xoog badanna leedihiin
iyo inaan isdhiibo. Isdhiibi maayo dagaalkana waan wadayaa
inta aad idinku wadaan. Amaan iyo magan-galiyana Ilaah baa
leh xoogna ninkuu siiyo ayaa iska leh.
Ingiriisku wuxuu ugu dambayntii go'aan ku gaadhay inuu
Sayidka u diro ergo ka kooban maashaa'ikhdii Goboladda Waqooyi
oo kala ahaa:
Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq madaxii dariiqada
Saalixiyada, Skeekh Cabdullahi Sheekh Madar madaxii dariiqada
Qaadiriyada, Sheekh Maxamed Xuseen iyo cuqaal fara badan ooy
ka mid yihiin Caaqil Cali Aadan, Caaqil Jaamac Madar, Caaqil
Ibraahim Warsame, Caaqil Xirsi Xuseen, Caaqil Xaaji Cabdullahi
Jaamac, iyo Caaqil Cali Guuleed. Ergadaa ka koobnayd
maashaa'ikhdii dariiqada iyo todobada Caaqil waxaa loo diray
ergo ahaan Sayidka waxayna wadeen warqad Ingiriisku ku
warsanayey Sayidka inuu ergadaas soo raaco. Ergadii waxay ka
baxday Burco April 9, 1920kii iyadooy hogaaminayeen labadii
nin ee warqada jawaabta ah Sayidka ka keentay, Xaaji Cismaan
iyo Sheekh Cali.
16 casho oo socod ah ka dib, April 25, waxay soo gaadheen
Qoraxay oo xarunta Sayidku u jirtay 40 mile. Sayidku ergadii
waxa uu amar ku siiyey inay Ingiriiska ku noqdaan una sheegaan
inaan Sayidku marnaba isdhiibaynin. November 23, 1920kii ayuu
Sayid Maxamed, naxariistii janno Allaha siiyee, si caadi ah
ugu geeriyooday Iimeey isagoo gacanta ku haya gamaskii
xornimada iyo gobonimada.
Markuu geeriyooday Sayid Maxamed gumaystuhu wuxuu isku
dayey inuu daboolo halgankii uu soo galay iyo ujeedooyinkii uu
lahaa ee uu u dagaalamayey in ka badan 21 sanno. Waxa uu
Sayidku mutaystay in lagu qorro magaciisa iyo taariikhdiisaba
baal dahab ah waayo waxa uu u diiday gumaysiga inuu ku lado
dalka Soomaaliyeed.
- Inuu gaalku dili oo khatali dayiba maayaane
- Dafiraadu waa xeel runbaa lagu dabuubaaye
- Dilaal waxaad cunaysaan intaan dunida joogaaye
- Hadalkaa dilaacshaye miyaan deelka ka habowshay
- Wax ma dadine macnihiina sow idin ma deqsiinin
- Nimanyahoow dantey baan hadlaye iga daliil qaata
- Dacwadayda meeshaan u dhigo fiiro dib u yeesha
- Waxna loogu digiyaa ninkii dawladnimo haysta
- Waxna loo danleeyahay ninkii diinta Nabi raacay (csw)
- Nin rag ah bay dardaaran u tahee doqonse waa mooge
- Afartaa intaan dow ku xidhay deel ma qabadsiiyey
- Deelqaafku waa ba'an yahaye daacad ma u sheegay
- Dacwad kalana Soomaali waa mid aan dareensiiyey
- ...
Taariikhdii koobnayd ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo
halgankii muqadaska ahaa ee uu kula jiray gumaysiga waxaan
kusoo af-jaraynaa tuducyo kooban oo ka mid ahaa gabaygii
caanka ahaa ee Sayidku mariyey dabayaaqadii noloshiisa ee la
odhan jiray Dardaaran:
- ...
- Doodna waxaan u leeyahay dadkeer hadalka deyn waayey
- Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye
- Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne
- Dagaalkii Nasaarada anaa daalib ku ahaaye
- Dalka ma lihid anigaa ku idhi doora weynaha e
- Daliilkii Rasuulkii anaa doonayoo rabaye (scw)
- Anaa diiday maantuu lahaa deeqan iga hooye
- Diinkayga anigaan ku gadan dabaqii naareede
- Anaan labada daarood tan hore darajo moodaynin
- Markay duushay gaaladu anaan daabbaddu rarine
- Goortay dareeraan anaan diiradduu qabane
- Anigaan dariiqiyo waddada dowga sii marine
- Anaan doora-weynoo kufriga daacadnuu geline
- Ferenjiga dirayska leh anaan diiradduu qabane??
- Sida doxorka Gaal-Raac anaan duud-xamaal noqone
- Doofaarka eyga ah anaan daarihiis geline
- Anigaan dilaalkiyo ardiga duubigoow xidhane
- Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine
- Daarood Ismaaciil ma oga dowga loo qodiye
- Waa wixii durbaan tumay markaan dowga sii maraye
- Waa wixii dayooy yidhi intuu soo dabaaldegaye
- Dadow maqal dabuubtaan ku idhi ama dan haw yeelan
- Ama dhaha darooryiba jiryaye doxorku yeelkiisa
- Nin rageey dardaaran u tahaye doqoni waa mooge
- Marka horre dabkuu idinka dhigi dumar sidiisiiye
- Marka xigana daabaqada yuu idin dareensiine
- Marka xiga dalkuu idinku odhan duunya dhaafsada e
- Marka xiga dushuu idinka rari sida dameeraha e
- Mar haddaan dushii Adari iyo Iimeey dacal dhaafay
- Maxaad igaga digataan berruu siin lasoo degiye
prepared by Eng: Nogobi